Deg-deg: barcelona oo kooxda benfica kala heshiisay iibkay nelson semedo, arsenal oo ay farxad u tahay iyo man u . s . oo war xun heshay. – laacib.internet

Kooxda Barcelona ayaa ku guulaysatay saxiixa difaaca midig ee xulka qaranka Portugal iyo kooxda Benfica ee Nelson Semedo waxayna labada kooxood heshiis ka gaadheen iibka 23 sano jirkan. Warkan ayaa u fiican dhegaha kooxda Arsenal oo ka cabsi qabay in Barcelona ay xagaagan kooxdooda kala wareegto Hector Bellerin, laakiin warkan ayaan u fiicnayn Manchester U . s . oo uu iyadana bartilmaameed wayn u ahaa Nelson Semedo.

Sidii aanu xalay idiin soo gudbinay Barcelona ayaa dalab 30 milyan oo yuro ah ka gudbisay Nelson Semedo waxayna kooxda Benfica aqbashay dalabka Barcelona iyada oo waliba ay ka heli karto 5 milyan oo yuro oo dheeraad ah kuwaas oo ku xidhnaan doona qaab ciyaareedka Nelson Semedo ee Camp Nou.

Difaacan midig ee ree Portugal ee Nelson Semedo ayaa Barcelona u saxiixi doona heshiis shan sano ah wuxuuna noqonayaa saxiixii ugu horeyay ee qayb ka soo noqda qorshaha macalinka cusub ee Valverde kaas oo maalintii labaad kooxdiisa tababarka siinayay.

Wafti Barcelona ka socda oo ka kooban masuuliyiin ay ka mid yihiin Robert Fernandez, Bordas iyo Sanllehí ayaa dalka Portugal u jooga dhamaystirka heshisikan, waxayna warbaahinta The country hadda shaaciyeen in labada kooxood ay heshiis ka gaadheen iibka  Nelson Semedo isla markaana la wado dhamaystirka faah faahinta heshiiska uu xidigani ugu soo biirayo Barcelona.

Barcelona ayaa markii horeba lala xidhiidhinayay  Nelson Semedo laakiin waxaa markii hore bartilmaameedka kowaad u ahaa Hector Bellerin oo ay doonaysay in ay dib uga soo ceshato Arsenal balse waxaa dhawaan soo baxay in maamulka Barcelona ay iskaga hadheen Bellerin iyaga oo walaac ka qaba xaaladiisa taam ahaansho.

Resourse: http://laacibnet.internet/deg-deg-barcelona-oo-kooxda-benfica-kala-heshiisay-iibkay-nelson-semedo-arsenal-oo-ay-farxad-u-tahay-iyo-man-u . s .-oo-war-xun-heshay/

Ruwaayad cusub Doobkii Guursan Waayay Caweyska Ciida iyo Kooxda xudunta fanka